Macluumaad ku saabsan corona
Halkan waxaan ku soo aruurinay macluumaad iyo xiriiriyeyaal/links loogu talagalay kuwa raba fahfaahin dheerad ah.

Su`aalaha caadi ahaan lays waydiiyo iyo jawaabtooda
Ha nagu soo booqan Xarunta macaamiisha [kundcenter] – nalaga soo xiriir khadka taleefanka ama email
Maadaama ay jirto halista faafinta fayruuska loo yaqaanno [coronavirus], waxaan muwaadiniinteenna kula talinaynaa in ay nalaga soo xiriiraan khadka taleefanka ama email. Tan kale, waa in ay ku dadaalaan in aynan nagu soo booqan miiska qaabilaadda ee Xarunta macaamiisha [kundcenter] ku taallo Österäng.
Sidatan ayaa noola soo xiriiri kartaa
- Naga soo wac 063-14 30 00
- Email noogu soo hagaaji kundcenter@ostersund.se
Haddii aad garanayn af-iswiidish ama af-ingriiisi, waxaad qof kale ka codsan kartaa in uu dartaada noo soo waco. Qofka dartaada noo soo wici doono uma baahna inaad wargeliso arrintaada. Wuxuu ka caawinayaa oo keliya ballan-qabsashada. Kaddib hawlwadeyada maamulka wadajir qof turjubaan ah ayaa khadka taleefanka kala soo xiriiri doono. Arrinta waxay noqon kartaa mid xiriir la leh taageero-dhaqaaleed ama booska dugsiga xannaanadda/dugsiga.