Caawimada dhaqaale

Östersunds kommun way ku caawin kartaa haddii ay ku haysato dhibaatooyin dhaqaale. Waxaad heli kartaa cawimada, tusaale ahaan, macluumaadka iyo talada, ama qaab lacag ah haddii ay kugu adkaanayso inaad wax ka qabato dhibaatada.

Haddii aad caawimo uga baahantahay xaaladaada caafimaad waa inaad la xidhiidhaa Östersunds kommun. Waxaa laguu qoondeeyay qof gaar ah kaas oo aad xidhiidh la leedahay oo kaa caawin doono inaad awood u yeelato inaad naftaada taageerto. Qofkan waxaa loogu yeedhaa sarkaalka kiiska .

Caawimada lagu helo macluumaadka iyo talada

Waaxda Östersunds kommun waa inay ku caawiso markaas waxaad iskaa u maarayn kartaa dhaqaale ahaan. Tan waxaanu ku samayn karnaa tusaale ahaan, anagoo ku siinayna macluumaad ama talo si aanu awood kuug siino inaad naftaada taageerto.

Sarkaalkaaga kiisku waa uu ku dhegaysan karaa adiga haddii aad doonayso inaad ka hadasho, tusaale ahaan, xaalada qoyskaaga, xidhiidhadaada, caafimaadkaaga iyo wax badan. Sarkaalkaaga kiiska waxa uu ku siiyaa jawaabo iyo macluumaad ku saabsan halka aad ka heli karto caawimada suuragalka ah ee ugu fiican xaaladaada gaarka ah.

Waxaad sidoo kale ka heli doontaa talo Östersunds kommun ku saabsan miisaaniyad samaynta iyo arrimaha daynka. Haddii ay lama huraan tahay, sidoo kale waxaad la xidhiidhi kartaa qof si uu kuu caawiyo.

Ku caawi lacag

Haddii aanad helin lacag kugu filan oo aad ku taageerto naftaada, waxaad codsan kartaa försörjningsstöd (caawimada bulshadda). Försörjningsstöd (caawimada bulshadda) waa lacagta aadka hesho Östersunds kommun haddii aanad haysan qaab kale oo aad naftaada ku taageerto.

Si aad u hesho försörjningsstöd (caawimada bulshadda) waa inaad isku dayday qaababka kale ee aad naftaada ku taageerays. Haddii tusaale ahaan, aad lacag ku haysato baanka ama hanti kale, uma qalmi doontid försörjningsstöd (caawimada bulshadda). Haddii aad wada nooshihiin qofk aas oo leh dakhli labbadiinaba ku filan, uma qalmi doontid försörjningsstöd (caawimada bulshadda).

Tani waa sida loo codsado försörjningsstöd (caawimada bulshadda)

Haddii aad u baahantahay caawimo dhaqaale waxaad ka codsan kartaa försörjningsstöd (caawimada bulshadda). Waxaad codsan kartaa försörjningsstöd (caawimada bulshadda) haddii aanay jirin qaab kale oo aad naftaada ku taageerayso.

Si aad u codsato försörjningsstöd (caawimada bulshadda) waa in aad marka koowaad la xidhididho Kundcenter xaga Östersunds kommun. Marka aad la xidhiidho Kundcenter waxaad heli kartaa caawimo leh u sii diiwaangelin turjubaan hadddii aad mid u baahantahay.

Ka dib marka aad la xidhiidho Kundcenter, waa wakhtigii aad la kulmi lahayd maareeyaha kiiska xaga Adeegyada Bulshadda. Ka hor inta aanad booqan sarkaalka kiiska waa inaad hesho maclumaad ku saabsan, tusaale ahaan, kuwa ay yihiin warqaddaha aad u baahantahay si aad u codsato försörjningsstöd ( caawimada bulshadda), iyo sidoo kale talada iyo tilmaamaha.

Marka aad la kullanto maareeyaha kiiska, waxaad wada qiimaynaysaa xaaladaada, ay ka mid tahay qoyska, shabakadaha, guriyaynta, shaqada, caafimaadka iyo xaalada dhaqaale. Waxaan saarnaa ahmiyad gaar ah qorshaynta sida aad awood ugu yeelan doonto inaad taageero naftaada mustaqbalka.

Adeegyada bulshadda Östersunds kommun waxaa waajib ka saaranyahay inay u shaqeeyaan si ka hortag leh iyo qaababka ku salaysan waxa loogu yeedho aragtida waxa badan ka kooban. Markaas waxaa lagu waydiin karaa wax ku saabsan arrimaha kale ee aan ahayn xaaladaada dhaqaale, tusaale ahaan, wax ku saabsan caafimaadkaaga iyo ta ilmahaaga, wax ku saabsan caadooyinka khamriga iyo maandooriyaha, iwm.

Markaas waxaan habbayn karntaa codsigaaga waa muhiim inaad bixiso faahfaahinta aanu codsano. Waxaanu habaynaa codsigaaga iyaddoo ku salaysan xaaladaada gaarka ah oo waxaan baadhnaa ikhtiyaarada loo heli karo baahiyahaaga.

Tani waa waxa aan uga baahanahay haddii aad codsnayso försörjningsstöd ( caawimada bulshadda)

Haddii aanad haysan qaab kale oo aad naftaada ku taageerto waxaad heli doontaa försörjningsstöd (caawimada bulshadda). Tan macnaheedu waxa weeye inaad isticmaasho dhammaan ikhtiyaarada laga heli karo si aad u taageerto naftaada ka hor inta aanad xaq u yeelan. försörjningsstöd (caawimada bulshadda).

Haddii lacag kuu taalo baanka ama hanti dhaqaale, waa inaad kuwan isticmaashaa ka hor inta aanad helin försörjningsstöd (caawimada bulshadda).

Haddii aad caadi ahaan leedahay dakhli aad u sareeya oo aad ka sarayso waxa loogu yeedho “heerka xad dhaafka ah” sida waafaqsan Xeerka Adeegyada Bulshadda, waxaan rajaynaynaa inaad kaydsatay oo meel dhigatay lacag si aad u maarayso yaraanta dakhliga ama kharashka aan la saadaalin karin. Markaanu habbayno codsiga försörjningsstöd (caawimada bulshadda), sidaas awgeed waxaan eegnaa dakhligaagii saddexdii bilood ee u dambeeyay, iyo sida ay xaaladaadu u eekaan doonto mustaqbalka.

Isticmaalka dhammaan ikhtiyaarada la heli karo si aad naftaada u taageerto macnaheedu waa, tusaale ahaan:

  • Inaad ka diiwaangashantahay Adeega Shaqada Dad waynaha oo si firfircoon aad u raadinayso shaqo.
  • Oo aanad diidin shaqo ama mashruuca suuqa shaqada kaas oo laguu gudbiyay oo markaas laguu diiday dheefaha lacageed ee shaqo la’aanta.
  • Inaad xubin ka ahayd dheefaha mashruuca shaqo la’aana marka aad ka shaqaynaysay markaasna waxaad u diyaar ahayd haddii aad noqonayso qof aan shaqo haysan
  • In aanad u noolaan si ka badbadis ah oo qaali ah inta aad u baahantahay ka badan.
  • In aad ogsoonayd ka uu yahay sharciyada lagu dabaqayo, tusaale ahaan, CSN, Xafiiska Caymiska Bulshadda, Wakaalada Socdaalka ama masuuliyiinta kale, markaas waxaad iska ilaalisaa khalad u fahanka keena, tusaale ahaan, dhaqaalaha yaraanshaha ama lacag bixinta oo aan la bixin.
  • Inaad ka faa’iidaysato dheefaha dhaqaale eekale ama lacag bixinta la heli karo, sida dheefta guriyaynta, gunnada dayactirka, "alfa" dheefaha lacageed ee shaqo la’aanta, dheefaha bukaanka, gunnada waalidka ama amaahda guriga iyo hordhaca dheefaha haddii aad ku cusubtahay Sweden.

Haddii aad uga timid Östersunds kommun xarunta magan galya doonka

Haddii aad ku deganayd Östersunds kommun qorshahaaga ka dib markii aad ku noolaynd mid ka mid Xarumaha Wakaalada Socdaalka, waa inaad soo qorshasatay xaaladaada dhaqaale ee la xidhiidha meel degentaanka.

Gunnada aad ka hesho Wakaalada Socdaalka waa inay ku filnaataa guriga, cuntadda iyo kharashka kale marka aad hesho il kale oo dakhli ama hesho hordhaca dakhliga.

Xusuuso inaad had iyo jeer bixiso macluumaadka saxda ah

Waa inaad si xad dhaaf ah uga run sheegtaa marka aad buuxinayso codsiga (caawimada bulshadda) ay khaldantahay. Haddii macluumaadka aad bixisay uu khaldanyahay ama uu marin habaabis yahay waxay kaaga dhignaan kartaa in kaaga försörjningsstöd (caawimada bulshadda) ay khaldantahay. Haddii aanu ka shakino inaad si aad ula kac ah u bixisisay macluumaad khalad ah, waxaa nagu waajib ah inaan booliska uga warbixino oo lagugu xidho si waafaqsan sharciga oo aad masuul ka noqoto soo celinta lacagta.

Sidoo kale waa inaad laftaadu hubisaa inaanu bixinayno qadarka lacagta ah ee saxda ah. Haddii aanu qadar lacag ah ku siino oo aan ahayn ta lagu sheegay go’aankaaga, oo ay suuragal tahay in la moodo inaad fahantay in qadarka lacagta ah ay khalad tahay, ka dib markaas waxaa waajib kugu ah inaad dib lacagta khaladka ah u bixiso

Go’aanka haddii aad hesho försörjningsstöd (caawimada bulshadda) ama aanad helin

Go’aankayaga haddii aanu ku siinayno ama kuu diidayno försörjningsstöd (caawimada bulshadda) waxa uu ku salaysan yahay Xeerka Adeegyada Bulshadda iyo hagitaanka ay degmaddu dejisay. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho go’aan qoran halkaas oo aan ku bixin sababaha laguu siiyay ama aan laguu siin waxa aad codsatay.

Haddii aanad ku qanacsanayn go’aanka, waxaad leedahay xaqa aad rafcaan ku qaadato.

Sidan uppdaterad 2022-09-02